Warka

Mudqisho; Bandhiga buug-yaraha badqabka saxafiyiinta Soomaaliyeed

1
Written by admin

Uurka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa magaalada Muqdisho ku soo bandhigay 14, November, 2018 buug-gacmeedka badqabka saxafiyiinta Soomaaliyeeed (Somali journalists safety and protection manual) oo hawshiisu socotay labo sanno iyo bar.

MAP oo gacan dhaqaale ka heleysa hay’adaha IMS iyo Fojo ayaa agaasintay diyaarinta iyo qorista bug-yarahan, waxana munaasabdda bandhiga ka soo qaybgalay masuuliyiinta dowladda Federaalka Somalia, mudanayaal ka mida Barlamanka, madaxda ururada warbaahinta, maamulayaasha xarumaha warbaahinta iyo saxafiyiin laga soo xulay gobollada dalka.

Guddomiyaha ururka warbaahinta Puntland Mohamed Dahir Caynsane ayaa u mahadceliyay dhamaan intii gacan ka gaysatay dhamaystirka buuga badqabka saxafiyiinta, waxana uu ugu yeeray saxafiyiinta Soomaaliyeed inay ka faa’ideystaan gacan-qabsiga badqabka oo uu sheegay inuu yahay mid waxtar u leh.

Ururada SIMHA, SOMA iyo SWJ ayaa MAP kala shaqeeyay buugan, waxana sidoo loo bandhigay ka hor daabacaada khuburo saxaafadeed iyo amaan oo talooyin ku biiriyay.

Abukar Albadri xiriiriyaha barnaamijka Somalia ee IMS oo ka warbaxshay marxaladihii kala duwanaa ee buugani soo maray ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada iyo horumarinta barnaamijyada la xiriira badqabka saxafiyiinta,

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somalia Abdirahman Yusuf Alcadaala ayaa hambalyo u diray saxafiyinta Soomaaliyeed, waxana uu uga mahadceliyay ururka MAP dadaalka ay geliyeen sameynta buug-gacmeedka badqabka.

Guddoomiyaha dallada ururada aan dowliga ahayn ee koonfurta iyo bartamaha Somalia Diini Mohamed Diini ayaa isna ugu baaqay ururada warbaahinta inay qaybaha kala duwan ee buug-gacmeedkan ku tababaraan hawlwadeenada warbaahinta.

Inkastoo masuuliyiinta Somalia ay qaadayan masuuliyadda diyaarinta qorshayaal wax ku ool ah oo laga ilaalinayo saxafiyiinta iyo madax banaanida saxaafadda kuwa doonaya inay aamusiyaan oo ka hor istaagan xaqooda cabiridda fikirka, hadana DF Somalia iyo maamulada dalka weli ma jirto qorshe cad iyo talaabooyin ay ka qaadeen kuwa dhibaateeya saxafiyiinta.

Guddomiyaha MAP ayaa khubadiisa ku so jeedshay baaq ah in DF Somalia iyo maamuladu iska saaraan masuuliyad baaritaanka iyo dabagalka kiisaska la xiriira dilalka wariyaasha, isagoona sidoo kale ka dalbaday dowladda inay latashiga xeerka warbaahinta balaariso.

Isagoo ka jawaabaya soojeedinta MAP ayaa guddomiyaha guddiga warfaafinta ee barlamanka Somalia Xildhibaan Khaalid Macow uu sheegay inuu soo dhoweynayo buug-gacmeedka badqabka, isagoo raaciyay in qaybo ka mida suurogal tahay in lagu daro xeerka warbaahinta ee dib u eegistiisu furantahay, waxana uu MAP ku casumay kulanka dib u eegista ee dhowaan qaban doonaan.

Dib u furista xeerka warbaahinta Somalia ayaa muhiimad gaar ah iska leh, waxana MAP ay u aragtaa fursad daneeyaashu ay ku mideyn karaan dadaaladooda sidii ay ugu qareemi lahayen wax ka badelka qodobadda cabashada laga muujiyay,kana soo horjeeda madax banaanida iyo xoriyadda saxaafada.

Bandhiga badqabka saxafiyiinta ayaa imanaya xili hay’adaha caalamku ay ku soo saareen warbixinadooda Somalia inay kaalinta kowaad kaga jirto dalalka lagu dhibateeyo saxafiyiinta oo aan loo soo qaban cidna kuwa waxyeelada u gaysta warfidiyeenka.

Ugu dambeyntii 500 oo nugul ayaa goobta lagu qaybshay, waxana munaasibadda ku sugnaa wakiilo ka socday warbaahinta magaalooyinka Bossaso, Galkacayo, Beledwayne, Baydhabo iyo Kismayo, iyadoo sidoo kale ururada warbaahinta ee bahdwadaagta la ah MAP dhankooda nuqulo la gudoonsiiyay.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14

About the author

admin

Leave a Comment