Warka

Garowe: Tababarka badqabka iyo tebinta doorashooyinka

9
Written by admin

Garowe: Ururka warbaahinta Puntland ee MAP oo gacan ka helaya hay’adda NED ayaa soo gabogabeeyey tababarka badqabka iyo tebinta doorashooyinka oo 30 saxafi saddex maalmood 04-06 Diseembar, 2018 uga socday magaalada Garowe.

Guddomiyaha MAP Maxamed Daahir Caynsane ayaa sheegay in saxafiyiintu muhiim u yihiin xiligan kala-guurka oo Puntland u diyaar-garoobeyso doorasho, waxana uu kula dardaarmay saxafiyiinta inay noqdaan kuwo masuuliyad ku shaqeeya islamarkaasina dhowra anshaxa mihnadda.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo si rasmi ah u furay tababarka ayaa ku booriyay saxafiyiinta inay bulshada u gudbiyaan xog sugan, waxana sidoo kale uu ku daray in loo baahanyahay saxaafadu xooga inay saarto gudbinta baahiyaha bulsho.

Mawduucyada tababarku daboolay waxaa ka mid ahaa, Caqabadaha weriyeyaasha ay la kulmaan inta lagu jiro doorashooyinka, doorka warbaahinta ee dimuqraadiyada iyo doorashooyinka, sameynta wararka, xeerka anshaxa doorashada, ka fekerka iyo saadaalinta xaaladaha amaan ee lagu shaqaynayo iyo sidii mar walba saxafigu u feejignnaan lahaa.

Tababarkaan ayaa ah kii saddexaad oo noociisa ah oo MAP qabatay sannadkaan, waxaana horey loogu loogu qabtay 50 saxafi magaalooyinka Bossaso iyo Galkacayo.

MAP waxay sii wadi doontaa sare u qaadida tayada saxafiyiinta Puntland si loo xaqiijiyo in suxufiyiinta ay si wanaagsan u gutaan shaqadooda.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16

About the author

admin

Leave a Comment