Warka

Garowe: Shirka Warbaahinta iyo Laamaha amaanka

IMG_6128
Written by admin

Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa ku qabtay PDRC Garowe 2-3 May, 2019 shirka warbaahinta iyo laamaha amaanka Puntland. waxana ka soo qaybgalay Saxafiyiin, saraakiisha booliska, garyaqaano iyo xubnaha bulshada rayidka ah.

Sida uu sheegay Gudoomiyaha MAP Maxamed Daahir Caynsane ujeedka kulanka ayaa ahayd xoojinta iyo horumarinta xiriirka u dhaxeeya warbaahinta iyo laamaha amaanka, isagoona raacshay inay dib u eegi doonaan qodobadii sanadkii hore ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Agaasimaha xarunta Cilmibaarista Puntland Cali Faarax waxa uu tilmaamay in kulankani noqday mid miro-dhal ah maadaama mudo markii la joogoba booliska iyo warbaahinta ay iska arkayaan qaabka wada-shaqaynta taasi oo meesha ka saareysa isfahan-daraddi horey u jiri jirtay.

Taliye ku xigeenka laanta baarista dambiyada Cismaan Cabdi Maneeno ayaa dhankiisa xusay in tan iyo markii ay bilaabmeen kulamada noocani oo kale ah hoos u dhac ku yimid tacayadii lagula kici jiray suxufiyiinta.

Ka soo qaybgalayaasha ayaa dood adag ka yeeshay caqabadaha amaan ee soo wajaha saxafiyiinta iyadoo sidoo kalena dhanka booliska ay ka hadleen dhankooda daahitaanka iyo baaris la’aanta kiisaska la xiriira wariyaasha.

September 2018 waxa lagu dilay Galkacayo saxafi Cabdirisaq Saacid Osman oo ilaa iyo hadda aan loo soo taagin maxkamad dambiile ku eedeysan falkaas.

Muhiimadda ay leedahay in la meelmariyo xaqa helidda xogta (Access to information) sida ku cad xeerka warbaahinta Puntland ayaa ka mid ahaa qodobadii ka qaybgalyaashu isla qaateen.

IMG_6122 IMG_6125 IMG_6128 IMG_6118 IMG_6145 IMG_6119 IMG_6121 IMG_6117 IMG_6123 IMG_6129 IMG_6127 IMG_6120 IMG_6139 IMG_6126 IMG_6124 IMG_6141 IMG_6138 IMG_6140

About the author

admin

Leave a Comment