News

Garowe: Tababarka hogaaminta iyo maamulka qolka wararka

0
Written by admin

Ururka warbaahinta Puntland ee MAP ayaa magaalada Garowe ku soo gabogabeeyay tababarka hogaaminta iyo maamulka qolka wararka (Leadership and newsroom management training) oo afar maalmood (23-26 Juunyo, 2019) u socday 20 hablood oo ka hawlgala warbaahinta Puntland.

Tababarkan ayaa daba jooga talo soojeedino ka soo baxay daraasad MAP 2017 ay ka samaysay xaaladaha shaqo ee hablaha warbaahinta Puntland ayna ka mid ahayd habala in loo tababaro hanashada maamulka warbaahinta.

Gudoomiyaha ururka MAP Maxamed Daahir Caynsane oo ka hadlay furitaankii ayaa sheegay inay waayadan dambe xooga saarayeen sidii loo xoojin lahaa tayada hablaha warbaahinta ka shaqeeya laguna dhiirigeln lahaa qabashada jagooyinka sare ee xarumahooda.

Caynsane waxa uu xusay in sanadkan 2019 ururka hablaha saxafiyiinta gobolka Mudug ay fursad u heleen in laga caawiyo helida xeer hoosaad iyo shuruucdii kale ee asaaska u ahayd shaqada ururka iyo weliba tababaro la xiriira hogaaminta iyo maamulka.

Ka sokow casharada, inta uu socday tababarku waxa ka qaybgalayaashu is-waydaarsadeen khibradaha iyo xaaladaha shaqo ee xarumaha ay socdeen, waxana sidoo kale laga hadlay muhiimada ay leedahay in saxafiyiintu ku baraarugsanaadaan dastuurka iyo shuruucda Puntland oo ugu horeeyo xeerka warbaahinta Puntland (Puntland Media Law).

Xoghayaha MAP Naciimo Muuse Cilmi ayaa dhamaadkii tababarka sheegtay in ururku dadaal ugu jiro horumarinta hablaha warbaahinta balse laga doonayo hablaha inay iyagu noqdaan kuwa hogaamiya isbedelka islamarkaasina qayb ka noqda miisaska go’aan gaarista xarumaha warbaahinta.

171112131415161 2 3 4.1 5 6 7 9 10

0

About the author

admin

Leave a Comment