Warka

Galkacayo oo tabbabarka badqabka lagu soo gabogabeeyay

Photo group Safety Training Galkaio
Written by admin

Ururka warbaahinta Puntland ayaa magaalada Galkacyo ugu soo gabogabeeyay 20 suxufi tabbabarka badqabka, habka loo tebiyo doorashooyinka iyo warbixinaha la xiriira colaadaha oo soconayay muddo sadex maalmood.

Gudoomiyaha ururka warbaahinta Puntland ee MAP Maxamed Daahir Caynsane ayaa sheegay in tabbabarkan uu yimid xilli halwadeenada warbaahinta ee ka hawlgala Galkacyo ay la kulmeen jirdil , gaar ahaan maamulaha radio Gaalkacyo, sidoo kale la dilay weriye Cabdirisaaq Siciid Cismaan oo ka hawlgeli jiray idaacadda Codka Nabadda ee Gaalkacyo.

“Dhacdooyinkan dhammaantood waxay dhaceen bsihiii September ee sanadkan,barnaamijkan ayaa ah mid ka turjumaya xaaladdaha aan degenayn ee Gaalkacyo haatan ku sugantahay, waxaa kaloo loogu talagalay habkii loogu diyaarin lahaa saxafiyiintu sidii ay isaga difaaci lahaayeen khataraha ‘’ ayuu yiri Caynsane.

Intii  lagu guda jiray saddexdii maalmood ee tabbabarka,waxaa ka qayb galayaasha la baray mawduucyo kala duwan iyo xirfado ku saabsan  sida loo qorsheeyo arrimaha ammaanka, warbaahinta, qiimeynta halista, gaadiidka iyo wacyigelinta badqabka safarka, badqabka saxaafadeed ee shakhsiyadeed, warbaahinta iyo ciidamada amaanka, badqabka  baraha bulshada, doorashooyinka iyo xirfadaha aasaasiga ah. habka looga tebiyo warbixinaha  xiliyaddaiyo goobaha xasaasiga ah.

Madaxa mashaariicda ee Ururka MAP Ibrahim Abdirahman Mohamed ayaa yiri “Midnimada iyo ku habboonaanta tababarkan ayaan shaki ku jirin in ay suurtagal u tahay in saxafiyiinta si wanaagsan u fahmaan bay’ada ay ka hawlgelayaan iyadoo  la siiyay qalab ka caawinaya ka hortagidda halisaha khatar gelinaya amaankoda, taasina waxay sidoo kale ka muuqatay qiimeynta Foomamka tabbabarka, oo inta badan ka jawaab celinaya sida ay kaqaybgalayaashu muujiyeen oo ah inay hadda ku kalsoon yihiin xirfaddooda ayna si fiican ugu diyaargaroobayaan sidii ay uga  hortagi lahaayeen khatarta la xiriirta shaqadooda sababtoo ah aqoonta ay heleen saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, “.

Maalintii ugu dambeysey ee tabbabarka, kadib markii la guddoonsiiyay  shahaadooyin  kaqeybqaatayaasha tabbabarkan, gudoomiyaha MAP ayaa uga mahad celiyay ka qaybgalayaasha sidii ay uga  qaybqaateen tabbabarka mudadii saddexda maalmood ahayd, sidoo kale wuxuu u mahad celiyay fududeeyaha Burhaan Axmed Daahir iyo kooxda Somali Red Crescent Society (SRCS) oo bixiyay tababarkan muhiimka ah. Kooxda SRCS waxay bixisay tababarka koowaad ee gargaarka degdegga ah, oo la sameeyey maalintii 2aad ee tababarka.

Ururka Saxafiyiinta Puntland (MAP) ayaa dhowaan qaban doonta tabbabar la mid ah tabbabarkan ku saabsan badqabka iyo tebinta doorashooyinka iyadoo loo qaban doono  wariyeyaasha Boosaaso ka hor 2019 doorashada madaxwaynaha Puntland.

Sannadka 2018 MAP , waxay si aad ah ula shaqeynaysaa Warbaahinta Puntland iyo daneeyayaasha ammaanka, iyada oo ujeedadeedu tahay in lala dagaallamo lagana hortago dhagarta iyo dhibaatooyinka lagula kaco suxufiyiinta iyo arrimaha la xiriirra in aan tallaabo sharci ah laga qaadin kuwa tacadiyada kula kaca saxafiyiinta iyada oo loo marayo golaha wada hadalka sida ” Shirarkii warbaahinta iyo laamaha ammaanka ” kuwaas oo si fiican ay uga  soo baxeen natiijooyin muhiim ah, sida sameynta guddiga ammaanka saxafiyiinta Puntland (PJSC) .

MAP waxay si joogta ah u sii wadi doontaa dadaalkeeda kor u qaadidda iyo difaaca saxafiyiinta iyo danaha warbaahinta, xorriyadda hadalka iyo xorriyadaha warbaahinta iyadoo loo marayo u qareemid iyo in xukuumadda lagu cadaadiyo inay dabagal ku sameyso kiisaska la xiriira saxafiyiinta.dhanka kalena la dhisayo saxafiyiin xirfad iyo masuuliyad ku shaqeysa Puntland iyo guud ahaan Somalia.

1 2 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18

About the author

admin

Leave a Comment