Warka

Bosasso: Tababarka badqabka iyo tebinta doorashooyinka

18
Written by admin

Ururka warbaahinta Puntland ee MAP ayaa magaalada Bossaso ugu gabogabeeyay tababar soconayay saddex 28-30 November 2018, 22 saxafi oo ka kala socday goboladda Bari, Sanaag, Karkaar iyo haylaan.

Tababarka oo ku saabsanaa badqabka saxafiga, tebinta doorashooyinka iyo ka waramida goobaha coladeed ayaa qayb ka ahaa tababaro MAP ka waday Puntland iyadoo gacan dhaqaale ka heleysa hay’adaha IMS iyo FOJO.

Guddoomiyaha Ururka MAP Maxamed Daahir Caynsane ayaa sheegay in ujeedku yahay in wariyaashu isku hubeyaan aqoon iyo xirfad ay isku badbaadiyaan kuna tabiyaan wararka iyo sheekooyinka la xiriira doorashooyinka iyo colaadaha.

Waxa uu ka hadlay Caynsane buug-gacmeedka badqabka saxafiga Soomaaliyeed oo uu ka dalbaday saxafiyiinta inay ka faa’ideystan xogta, islamarkaasina raacshay inuu ku rajowaynyahay in isbedel laga arko shaqada warbaahinta kadib marka ay tababarku uu dhamaado.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil oo si rasmi ah u furey tababarka ayaa tilmaamay in xiligii ugu haboonaa uu ku soo aadamay aqoon kororsiga MAP qabaneyso, waxana uu warbaahinta uu ku booriyay inay dhowraan anshaxa mihnadda xiliga kala guurka ee doorashada ololeheedu socdo.

Ka qaybgalaasha ayaa inta uu socday tababarku waxa la baray xirfado ku saabsan  sida loo qorsheeyo arrimaha ammaanka, qiimeynta halista, gaadiidka iyo wacyigelinta badqabka safarka, badqabka shakhsiyadeed, gargargaarka degdega (First Aid), doorashooyinka iyo xirfadaha aasaasiga ah. habka looga tebiyo    warbixinaha xiliyadda iyo goobaha xasaasiga ah.

MAP ayaa ku dadaaleysa in wariyaashu jawi nabdoon ay ku gutaan shaqadooda islamarkaasina dadwaynaha ay gaarsiiyaan warar iyo xog sugan, waxana ay qorsheyneysaa 30 saxafi in tabababar noocani oo kale ugu qabato Garowe.

1 2 3 4 5 6 7 8 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24

About the author

admin

Leave a Comment