Warka

MAP (Xarigga Faadumo Taxadar Waa sharci-daro)

Faadumo Yuusuf Siciid
Written by admin
Faadumo Yuusuf Siciid

Faadumo Yuusuf Siciid

Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa dowladda ka codsaday in lasoo caddeeyo sababta xalay Ciidamada Ammaanka Magaalada Garoowe ay Hotel ay daganayd ugala Baxeen Faadumo Yuusuf (Taxadar) oo ka mid ah Gabdhaha Wariyeyaasha ah ee Puntland kuwooda ugu fir fircoon, iyo sababta Ciidamadu Jirdilka ugu Gaysteen Wariyeyaal kale oo Faadumo la joogay Xilligii la xirayey.
Faysal Khaliif Barre Gudoomiyaha Cusub ee Ururka MAP oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda looga baahan yahay in la caddeeyo sababta loo xiray iyadoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin Wariye Faadumo Taxadar, waxaana uu sheegay in Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP uu qabsan doono Looyar, islamarkaasina uusan ka hari doonin Kiiska Xariga Wariye Faadumo Taxadar iyo Jir dilka Wariyeyaasha kale.

Gudoomiyaha ayaa Cambaareeyay Falkaasi,waxaana uu tilmaamay in xarigaasi uusan waafaqsanayn Xeerka iyo Qawaaniinta Puntland u yaalla, isagoo intaas ku daray in Dowladdu haddii aysan sidaan wax ka badalin Wariyeyaashu ay shaqada joojin doonaan.

Ugu dambayntii Faysal Khaliif Barre Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP, ayaa si shuruud la’aan ah Dowladda ugu baaqay in lagu sii daayo Wariye Faadumo Taxadar, iyadoo saacado ka dibna lasoo daayey.

About the author

admin

Leave a Comment