Warka

Xuska Maalinta Caalamiga ee Saxaafada 2018

IMG_8863
Written by admin

Magaalada Bossaso ee xarunta gobolka Bari ayaa lagu qabtay maanta 03 May, 2018 munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Saxaafada (World Press Freedom Day 2018).

Ururka Suxfiyiinta Puntland ee MAP oo kulankan soo qabanqaabiyay ayaa waxa gacan ka siiyay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo Qaramada Midoobay, waxana ka soo qaybgalay maamulka degmada Bossaso, gudoonka gobolka & Maxkamada Bari, Nabadoono, dhalinyaro iyo saxafiyiin.

Khasanjiga Ururka MAP Asiya Abshir Adan oo bilowgii ku soo dhoweysay munaasabadda ka soo qaybgalayasha ayaa ka hadashay duruufaha ay ku shaqeeyaan warbaahinta Puntland iyo guud ahaan dalka, iyadoo xustay in ka sokow caqabadaha shaqo ay u dheertahay suxufiyiinta handadaad, jirdil iyo xarig aan loo marin sifo sharci ah.

Aasiya ayaa saxafiyiinta kula dardaarantay inay hufaan tebintooda oo ay iska ilaaliyaan waxkasta oo u keeni kara dhib ama ay ku muteysan karaan ciqaab, iyadoo ku amaantay kaalinta ay ka qaataan wargelinta, wacyigelinta iyo bararujinta bulshada.

Gudoomiyaha Degmada Bossaso Mudane Abdisalaan Bashiir Abdisalaan oo munaasabada furay ayaa bogaadiyay doorka ay warbaahintu ka qaadato horumarka bulshada Puntland, isagoona ugu baaqay dowladda inay xooga saarin oo keliya dhaliilaha warbaahinta.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Bari Mudane Ahmed Ali Cirro ayaa tilmaamay isna in Saxaafadu had iyo jeer ka shaqeyso soo bandhigista waxqabadka Dowladda, islamarkaasina aan loo gaysan doono wax tacadi ah.

Ka soo qaybgalaasha munaasabadan waxay ugu dambeyntii ugu baaqeen masuuliyiinta iyo maamulada dalka inay dhowraan madax-banaanida saxaafada ayna ka shaqeeyaan badqabka suxufiga.

IMG_2014 IMG_8598 IMG_8602 IMG_8607 IMG_8660 IMG_8687 IMG_8694 IMG_8703 IMG_8736 IMG_8803 IMG_8826 IMG_8863 IMG_8875

 

 

About the author

admin

Leave a Comment