Warka

Warbixin & Sawirro: Shirka Warbaahinta iyo Laamaha amaanka

14
Written by admin

Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP ayaa ku soo gabogabeeyay magaalada Garowe shirka Warbaahinta iyo Laamaha amaanka oo  laba maalmood ka socday (2-3 May 2018) xarunta Cilmibaarista iyo horumarinta Puntland PDRC.

Saraakiisha Booliska, laanta dambi barista, dallada ururada aan dawliga ahayn ee PUNSAA, guddiga sare ee warbaahinta (PMC), xafiiska difaacaha xuquuqul insaanka, ururka qareenadda Puntland (BAR Association) iyo saxaafada ayaa ka qaybgalay.

Gudoomiyaha ururka warbaahinta Puntland ee MAP Mohamed Dahir Caynsane ayaa ku sheegay ujeedka kulanka inuu yahay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta u dhaxeysa Booliska iyo warbaahinta loona abuuri lahaa jawi nabadgelyo oo ay ku shaqeeyaan saxafiyiinta Puntland.

Caynsane waxa uu ka warbixiyay xaalada warfidiyeenka Somalia iyo dadaalada ururka MAP ugu jiro kor u qaadista badqabka saxafiga isagoo sheegay inuu heer gabo gabo ah marayo buugyaraha badqabka wariyaha Soomaaliyeed (Somali Journalists Safety and Protection Manual).

Agaasimaha Xarunta PDRC ayaa isna ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la dhowro madax-banaanida saxaafada, waxana uu sidoo kale ugu baaqay dowladda iyo warbaahintaba inay dhowraan sharciga iyo xeerarka u yaal dalka oo ugu horeeyo xeerka warbaahinta Puntland.

Taliyaha Booliska Puntland Gen, Abdullahi Shire Dool ayaa balanqaaday dhowrista xuquuqda saxafiyiinta, isagoona dalbaday wada-shaqeyn xoogan oo dhexmarta Booliska iyo Warfaafinta.

Gudoomiyaha xafiiska xuquuqul insaanka Puntland Mohamed Yusuf Ali ayaa ku dheeraaday Madax-baanida saxaafada iyo dhowrista shuruucda dalka u taal, waxa uu gudoomiyuhu kiisas horey u dhacay oo aan loo marin wado sharci ah.

Wasiiru dowlahaha warfaafinta Puntland Dr, Abdifitah Nur Ashkir ayaa ku aaneeyay isku dhacyada booliska iyo warbaahinta ee soo noqnoqda labada dhinac oo aan u bisleyn xeerarka iyo shuruucda, isagoona soo jeedshay in la ganaaxo cidii lagu helo khalad inta xarig loo geysan lahaa.

Shirkan oo MAP gacan ay ka siineysay hay’adda Free Press Unlimited qayna ka ah mashruucda Midowga Yurub ee Somalia ayaa inta uu socday la is waydaarsaday xogag iyadoona doodo adag laga yeeshay kiisas horey u dhacay, lagana wada hadlay sidii horey loogu sii ambaqaadi lahaa wada-shaqeyn dhexmarta warbaahinta iyo laamaha amaanka.

Waxyaabihii ka soo baxay shirkan waxa ugu muhiimsanaa dhismaha guddi u heelanayaal ah oo ka shaqeeya badqabka saxafiga isuguna jira Saxaafada, Bulshada rayidka ah, CID-da iyo ururka qareenadda (Puntland Security Committee for Journalists).

Wasiirka warfaafinta Puntland Abdi Xirsi Qarjab oo soo xiray shirka ayaa sheegay in dowladdu u heelantahay difaacida iyo ixtiraamida shaqada suxufiga, isagoona kula dardaarmay ururka MAP iyo guddiga sare ee warbaahinta inay ka shaqeeyaan midnimada iyo horumarka umadda Soomaaliyeed.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 17

 

About the author

admin

Leave a Comment