Warka

Saxafiyiin lagu tabbabaray Anshaxa Saxaafadeed Bossaso

2
Written by admin

Magaaladda Bossaso waxa lagu soo gabogabeeyay tabbabar muddo saddex cisho ah(20-22 October, 2018) uga socday 10 saxafiyiin ah oo ka hawlgala xarumaha kala duwan ee magaalada laguna baranayay Xirfadda iyo Anshaxa Saxaafadeed (Professional and ethical Journalism)

Media INK oo kaashaneysa Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP islamarkaasina gacan ka heleysaa Free Press iyo Midowga Yurub ayaa fuliyay.

Saxafiyiinta ayaa lagu tabbabaray sameynta sheeko wareedyo la xiriira habka tebinta wararka iyadoo anshaxa saxaafadeed la dhowrayo waxana lagu baraarujiyay muhiimadda uu u leeyahay saxafiga iyo warbaahintaba.

Xoghayaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland Nasra Abdirizak Ahmed  ayaa ka sheegtay in MAP markasta u taagantahay tayaynta iyo sare u qaadida xirfadda wariyaasha Puntland, waxana ay ka dalbadatay ka soo qaybgalayaasha inay  casharada ay qaateen shaqo maalmeedkooda ay ku  dabakhaan.

Ururka MAP ayaa qorsheynaya dhowaan in deegaanada Puntland ka qabto tabbabaro la xiriira badqabka iyo habka tebinta doorashooyinka.

1 2 3 4 5 6

 

About the author

admin

Leave a Comment