Warka

Warbixin & Sawirro: Kulanka 2aad ee warbaahinta iyo laamaha amaanka Puntland

18
Written by admin

Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa xarunta PDRC Garowe ku soo gabogabeeyay kulanka 2aad ee warbaahinta iyo laamaha amaanka oo socday laba maalmood (1-2 November, 2018).

Wasaaradda warfaafinta, saraakiisha booliska, garsoorayaal, qareeno, daladda PUNSAA iyo saxafiyiin ayaa ka qaybgalay kulankan daba socday mid horey u qabsoomay May, waxana ujeedku ahaa xoojinta xiriirka warbaahinta iyo laamaha amaanka.

Guddomiyaha ururka warbaahinta Puntland Mohamed Dahir Caynsane ayaa bilowgii sheegay in shirkan ku soo begeen maalinka caalamiga ah ee la-dagaalanka tacadiyada ka dhanka ah saxafiyiinta, isagoo ka codsaday dowladda Puntland inay dhowraan madax banaanida saxaafada iyo karaamadda suxufiga.

Caynsane waxa uu sheegay in saxaafadda Puntland markasta u taagantahay ilaalinta iyo xoojinta nabadgelyada iyo xasiloonida Puntland, isagoo ka codsaday garsoorka iyo dowladdaba inay dhowraan xeerka warbaahinta Puntland oo ay dabaqaan.

Taliyaha ciidanka madaxtoyada Puntland G/Sare Abdirashid Abdirahim Kabtan ayaa dhankiisa xusay in saxaafadda iyo booliskuba bud-dhig u yihiin horumarka iyo xasiloonida dalka islamarkaasina muhiim tahay in saxaafadu anshaxa dhowrto laamaha amaankuna ay u hagaansaman shururcda iyo xeerarka degsan.

Ahmed Awil Jama guddomiyaha guddiga amaanka wariyaasha ayaa warbixin kooban madasha ka jeediyay oo uu ka sheegay in tan iyo May 2018 ay dhameyen iyagoo MAP kaashanaya ku dhowaad 30 kiis oo la xariira warbaahinta iyo saxafiyiinta.

Mahad celin ayuu u soo jeedshay laamaha amaanka iyo wasaarada warfaafinta oo gacan ka siiyay fududeynta shaqadooda, waxana uu ka codsaday laanta dambi barista inay xil iska saarto dabagalka kiisaska wariyaasha iyo guud ahaan badqabkooda.

Dhankiisa ayuu guddomiyaha daladda PUNSAA Faisal Ahmed Warsame tilmaamay dadaalada MAP ay wado oo lagu horumarinayo saxaafadda, isagoona ku booriyayguddiga sare ee warbaahinta Puntland inuu dhexda u xirto dardargelinta hawsha warbaahinta.

Agaasimaha xarunta PDRC Garowe waxa uu saxaafadda iyo laamaha amaankaba ka dalbaday inay meel uga soo wada jeestaan xaalada kala-guurka ah ee inagu soo food leh.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxyidiin Ahmed Musse oo furay kulanka ayaa saxaafada ugu yeeray inay anshaxa mihnadda dhowraan islamarkaasina laamaha amaanka faray inay hawlwadeenada warbaahinta shaqadooda ugu fududeyaan.

Inta uu socday shirku waxa la soo bandhigay cutubyo ka mida xeerka warbaahinta Puntland oo dhinac socday dastuurka Puntland, kan DF Somalia iyo xeerka ciqaabta gaar ahaan qodobadka 452 oo dood badan ka dhex dhaliyay ka qaybgalayaasha.

Dhamaadkii kulanka waxa ka soo baxay qodobo ay ka mid yihiin joogteynta wacyigelinta iyo xiriirka khuseeya warbaahinta iyo laamaha amaanka, dhowrista iyo ku dhaqanka xeerka warbaahinta Puntland, helida afhayeen dowladeed oo u saxaafadda u warbaxsha xiliyada xasaasiga ah.

Wasiirka warfaafinta Puntland Mudane Abdi Hirsi oo soo xiray kulanka waxa uu baraarujiyay muuhiimada ay leedahay warbaahinta oo uu cadeeyay inay tahay mid u adeegta bulshada, isagoo ku daray in laga doonayo markasta inay maslaxada guud u istaagaan iyo ka shaqeynta nabadgelyada.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24

About the author

admin

Leave a Comment