Warka

MAP oo tabbabar tayayn ah u qabatay Ururka Hablaha Saxafiyiinta Nugaal

10
Written by admin

Ururka Warbaahinta Puntland ee (MAP) oo taageero ka helaysa Forum-SYD ayaa magaalada Garowe tabbabar laba maalmood (17-18 September, 2018) soconayay ugu qabtay guddiga fulinta Ururka hablaha Saxafiyiinta ah ee gobolka Nugaal (NUFJO).

Ururka hablaha Saxafiyiinta gabdhaha Nugaal (NUFJO) ayaa ah urur aan dawli ahayn, islamarkaasina aan ahayn faa’iido doon, waxaana la aasaasay bishii Septembar 2012kii, ururkan ayaa ahaa natiijada kooxdii koobaad ee ka qalinjebisa machadka saxaafadda ee Warsame Cabdi Shirwac. Xaruntan saxaafadeed ayaa ku salaysnayd baahida loo qabo ururada haweenka kuwaas oo awood u yeelan kara in ay u doodaan haweenka dhinacyada kala duwan nolosha, dhiirrigeliya oo u qareema. Si kastaba ha ahaatee, aqoon yarida iyo awoodda wajihitaanka ururnimo oo daciif ah guud ahaan, maqnaanshaha siyaasadeed iyo habraacyo taabbagal ah oo ka qaybqaadan lahaa hagidda iyo kobcinta urrurka iyo hawlihiisa ayaa halis baahsan geliyay jiritaanka NUFJO iyo horumarinta ujeedooyinkiisaba.

Daraasad cilmi baaris ah oo ay MAP ka samaysay Puntland iyada oo taageero ka heleysa Free Press Unlimited (FPU) sanadkii 2017 kii, islamarkaasina lagu qiimeeyay aragtiyaha guud ee labada jinsi ee warbaahinta Puntland ayaa muujiyay tayo xumo ka jirta awooda wariyeyaasha haweenka ah ee 3-gobol, kuwaas oo ku kala sugan xarumaha warbaahinta ee gobollada Mudug, Nugaal iyo Bari. Baaritaanka tayadda ayuu samayntiisa ururku la kaashaday ururka baaritaannada horumarinta ee (ODAT), taas oo lagu ogaaday in saddexda ururba si wanaagsan loo aasaasay bilowgii balse xilligii samaynta diraasadan lagu hawlanaa ay gebi ahaantoodba baaba’sanaayeen iyadoo loo aanaynayo turunturrooyin wiiqay oo ay la kulmeen hogaankii xilligaasi hagayay saddexda urur, taas oo ay u dheerayd xubnihii gudiga oo kala tegay maadaamoo ayna jirin hannaan, nidaam sharciyeed iyo waliba qaab-dhismeed hay’adeed oo gudaha ah islamarkaana hagaajiya isku xirnaanta iyo hawlgallada ururka.

Ka dib markii lagu ogaaday daraasaddihii laga sameeyay cilmibaaristan jinsiga ee 2017kii , MAP waxay abaabushay dedaal lacag ururin ah si ay u hesho deeq loogu talagalay soo nooleynta ururada Suxufiyiinta gabdhaha ah ee Puntland kuwaasoo leh qorshe waqti dheer ah oo loogu dhisi doono dallad warbaahineed oo ay ku mideysanyihiin.

Mashruucan ay Forum-Syd taageerada dhaqaale bixisey ee dib u soo noolaynta ururka NUFJO , MAP waxay u qabtay lataliye si loo horumariyo siyaasadaha iyo nidaamyada muhiimka u ah ururka NUFJO. Waxyaabaha la soo saaray waxaa ka mid ahaa galka ururka, xeer hoosaadka, siyaasada maareynta maaliyadda habraaca Xakameynta Gudaha iyo qorshaha istiraatiijiyadeed 2018-2020.

Guddoomiyaha Ururka MAP Maxamed Daahir Warsame ayaa bilowgii uga mahad celiyay xubnaha 9-ka ah ee guddiga NUFJO in ayna joojin dadaalka inkastoo ay jiraan caqabado ay la kulmeen, waxana uu raacshay in rabitaankoodu ku xiranyahay horey u socoshada iyo hanaqaadida ururku.

“Maanta waxaan halkan u joognaa in aan furno koorso tababareed oo laba maalmood ah oo loogu talagalay NUFJO , waxan rajeyneynaa in aad ka qayb qaadan doontaan siyaasadaha iyo hababka lagu soo bandhigi doono tababarka, waxaan rajeynayaa kaqeybgal firfircoon,” ayuu yiri Maxamed Daahir.

Agaasimaha waaxda warfaafinta ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Hidaha Puntland Mudane Suleiman Saed Nour oo si rasmi ah u furey kulanka ayaa kula dardaarmay guddiga fulinta NUFJO inay ka dhabeyan ujeedooyinka loo asaasay uruka islamarkaasina door hogaamineed ay ka qaataan horumarinta hablaha saxaafada iyo guud ahaan haweenka.

Cod loo dhanyahay ayay ku ansixiyeen guddiga fulintu maalinkii labaad xeerka iyo siyaasada maareynta dhaqalaaha ee ururka NUFJO. Iyagoo ballan-qaaday in ay dhaqan gelindoonaan ku dhammaan xeerka, siyaasadaha iyo habraacyada ururka.

Guddomiyaha ururka NUFJO ayaa xiriaankii tabbabarka uga mahadcelisay MAP iyo ForumSYD taageerida ururkooda. waxana ay tiri:

‘’Waxaan ku dadaaleynaa in aan taabbagelino qorshahan muhiimka ah, nidaamyada iyo tababarka aanu waqtiga ku bixinnay maalmihii la soo dhaafay, waxaan jeclaan lahaa inaan si daacadnimo ah ugu mahadnaqno MAP iyo Forum Syd oo naga caawiyay in uu dib u istaago ururkeenu,”

MAP waxaa ka go’an fulinta qorshaha SDG 5 ee lagu gaarayo sinaanta jinsiga iyo xoojinta dhammaan haweenka iyo gabdhaha warbaahinta iyada oo kor loogu qaadayo awoodda saxafiyiinta hablaha ah ee tababbarada sannadka 2018 si loo horumariyo siyaasadda jinsiga ee warbaahinta Puntland oo ka hortagaysa sinnaan la’aanta jinsiga ee xarumaha warbaahinta.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 IMG_1678 IMG_1683

About the author

admin

Leave a Comment