News

Galkacayo: Tababaro loo qabtay hablaha saxafiyiinta gobolka Mudug (MUWOJO)

IMG_0639
Written by admin

Ururka warbaahinta Puntland ee MAP ayaa magaalada Galkacayo ku soo gabogabeeyay laba tababar oo kala ah hogaaminta iyo maamulka qolka wararka (Leadership and newsroom management training) iyo ka warbixinta goobaha colaadeed iyo xoojinta kaalinta suxufi ee xoojinta nabadgelyada (Conflict-sensitive reporting) oo soconayay 14-19 Luulyo, 2019.

Tabbabarka hore ee hogaaminta ayaa loo qabtay dhamaan xubnaha ururka hablaha saxafiyiinta gobolka Mudug ee MUWOJO, waxana ay qayb uu ka ahaa dib u habeyn iyo sare u qaadid tayo oo sanadka 2019 ururka MAP uu hablaha MUWJO kala shaqeynayay.

Guddoomiyaha MAP Maxamed Daahir Caynsane ayaa sheegay in tababarkan qayb ka yahay dadaal ay MAP ku dooneyso in hablaha warbaahinta ka shaqeeya ay hantaan maamulka xarumahooda islamarkaasina door muuqda ka qaataan u qareemida iyo muujinta kaalinta haweenka guud ahaan.

Tababarka labaad ayaa waxa xubnaha MUWOJO kala qayb qaadanayay hablaha dhigooda ah ee ka hawgala Galmudug kuwaasi oo markii ugu horeysay MAP isku keento wadajirna lagu tababaro dhowrista anshaxa, habka tebinta wararka colaadaha iyo weliba doorka saxaafaded ee kaga aadan xoojinta nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka.

Xoghayaha MAP Naciimo Muuse Cilmi ayaa ku amaantay ururka MUWOJO siday uga go’antahay inay horey u socdaan, waxana ay balanqaaday in MAP taageeradeedu aysan ku istaagi doonin sameynta xeerarka ururka iyo qabashada labadan tababar.

Dhamaadkii tababarka ayaa MAP ku casuntay agaasimayaal ka hawgala labada dhinac ee magaalada Galkacayo kuwaasi oo khibradooda ku biiriyay islamarkaasina ku booriyay hablaha ka qayb qaadanayay tababarka inay iskaashadaan wadajirna uga shaqeeyaan horumarka iyo nabadgelyada Mudug.

IMG_0013 IMG_0028 IMG_0051 IMG_0058 IMG_0069 IMG_0072 IMG_0109 IMG_0113 IMG_0119 IMG_0137 IMG_0162 IMG_0219 IMG_0229 IMG_0236 IMG_0281 IMG_0329 IMG_0336 IMG_0344 IMG_0369 IMG_0561 IMG_0577 IMG_0583 IMG_0602 IMG_0639

About the author

admin

Leave a Comment