News

Puntland: Xuquuqda Aadanaha oo lagu tababaray 120 Saxafi

013A2956
Written by admin

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) iyo Xafiiska Difaacaha Xuquuqul-Insaanka Puntland (OPHRD) ayaa wadajir u soo gabogabeeyay tababarka wacyigelinta suxufiyiinta ee arrimaha xuquuqda Aadanaha oo 120 saxafi loogu qabtay magaalooyinka Bossaso, Qardho, Garowe iyo Galkacyo.

Sida uu sheegay Gudoomiyaha Ururka MAP Maxamed Daahir Caynsane ujeedka tababarkan waxa uu ahaa in saxafiyiinta la baro shuruucda iyo xeerarka kala duwan si ay uga soo baxaan waajibaadkooda shaqo uguna wacyigashanaadaan xuquuqdooda.

Qareeno iyo khuburo dhanka sharciga ah ayaa saxafiyiinta sidoo kale ku baraarujisey arrimaha xuquuqda aadanaha iyo ka warbixintooda.

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha ee Puntland Maxamed Yusuf Ali ayaa sheegay in ilaalinta iyo dhowrida xuquuqda Aadanuhu tahay hawl wadareed ay saxafiyiintu kaalinta kowaad kaga jiraan.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Cisman oo la hadlayay saxafiyiinta ayaa bogaadiyay tababarka waxana uu xusay in dhankooda ay dhowri doonaan xoriyada iyo madax banaanida saxaafada.

Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Federaalka Somalia Ahmed Ali Dahir oo Garowe ugu furay tababarka saxafiyiinta waxa uu kula dardaarmay inay sare u qaadaan aqoontooda oo ay ka faa’ideystaan tababarka loo qabtay.

MAP iyo OPHRD oo wadashaqeyn dhow leh wax ay markasta u taaganyihiin xoojinta iyo u qareemida xoriyada hadalka iyo madax banaanida Saxaafada Puntland.

1 5 4 013A2904 013A2932 013A2956 3 2

About the author

admin

Leave a Comment