Warka

Tabbabar u soo idlaaday guddiga fulinta iyo shaqalaaha MAP (Warbixin & Sawirro)

11
Written by admin

Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa magaalada Garowe ku soo gagogaboobay tabbabar muddo saddex cisho ah u socday 11-13 August, 2018 xubnaha guddiga fulinta iyo shaqaalaha xafiiska.

Ujeedka tababarka ayaa ahayd in la horumariyo nidaam hawleed oo si wanaagsan loo soo habeeyey oo kor u qaada waayo aragnimada xubinimada guddiga iyo in la siiyo fikrado kala duwan oo ku saabsan taariikhda ururka iyo xeerarka; hawlaha MAP horyaala; doorka guddida, shaqaalaha, iyo u heelanayaasha, siyaasadaha ururka iyo qorshe hawleedka 2020.

Furitaankii waxa ka soo qaybgalay Wasiiru dowlaha wasaaradda warfaafinta Puntland Dr. Abdifatah Nur Ashkir, guddomiyaha daladda PUNSAA Faisal Ahmed Warsame iyo wasiir ku xigeenka duulista hawada Puntland Suad Salah Nur.

Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP Mohamed Dahir Caynsane ayaa bilowgii dib u milicsaday hanaankii doorasho ay ku yimadeen xubnaha guddiga fulinta iyo magcaabistoodi, isagoona sidoo kale sharxay muhiimada tabbabarkani uu leeyahay.

Caynsane waxa uu sheegay in helitaanka tabbabar noocani oo kale ah uu wax badan ka anfici doono xubnaha guddiga fulinta kor u qaadista wax soo saarka ururka, fahamka xiirirka ka dhaxeeya guddiga iyo shaqalaha, sidoo kale ku baraarujin doono qodobadda xeerka warbaahinta Puntland oo asaas u ah shaqada MAP.

Gudoomiyaha PUNSAA Faisal Warsame ayaa ku tilmaamay MAP mid kaalin mug leh kaga jirta hawlaha bulshada rayidka, isagoona ku booriyay inay si wayn uga qayb qaataan doorashada Puntland 2019.

Wasiir Suad Salah ayaa inaya ka hadashay xoojinta doorka haweenka ee warbaahinta, iyadoona MAP ku amaantay doorka ay markasta ka qaadato horumarinta iyo u doodista kaalinta iyo ka qaybgalka haweenka ee siyaasada Puntland.

Wasiiru dowlaha warfaafinta Dr. Ashkir oo tabbabarka furay ayaa amaanay dadaalada MAP ay wado gud ahaan sidoo kalena ugu baaqay inay wax ka qabtaan anshax xumada lagu baahiyo baraha xiriirka bulshada.

Tabbabarka ayaa National Endowment for Democracy ayay gacan ka siisay MAP, waxan uu noqday fursad guddiga iyo shaqalahuhu ay isku waydaarsadaan khibradooda.
1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11

About the author

admin

Leave a Comment