Warka

#MAPTalks Garowe: Soo bandhigida Guulaha iyo caqabadaha haweenka Puntland ee siyaasadda

MAPTALKS logo
Written by admin

Ururka Warbaahinta Puntland MAP iyo Jaamacadda Puntland PSU ayaa ku wada qabtay xarunta Jamaacadda Garowe kulan loogu magacday MAPTalks oo qayb ka mida haweenka Puntland ku soo bandhigayeen guulaha ay ka gaareen iyo caqabadaha ay kala kulmeen ka qaybgalka siyaasadda.

10-haween ah oo iskugu jiray kuwo xilal ka soo qabtay Puntland iyo kuwa hada ku haminaya ayaa loo soo xulay inay ka hor hadlaan saxafiyiin, ardeyda kuliyadda culuumta bulshada iyo dadweyne, waxana goob joog ka ahaa wasiirka haweenka Puntland Marwo Maryam Axmed Cali iyo marwada kowaad ee Puntland Dr. Hodan Siciid Ciise.

Guddoomiyaha ururka warbaahinta Puntland ee MAP Maxamed Daahir Caynsane ayaa bilowgii ka mahadceliyay ka soo qaybgalka kulankan, waxana uu sheegay ujeedka MAPTalks inuu yahay kor u qaadida codadka haweenka iyadoo la adeegsanayo awoodda warbaahinta iyo u ololeynta ka qaybgalka guud ahaan bulshada.

Waxa uu raaciyay Caynsane in tan iyo 2017 ay MAP xooga saareysay horumarinta hablaha saxaafada Puntland, iyadoo laga ambaqaadayo daraasad laga sameeyayna sanadkii hore ay ku hawlanyihiin sameynta siyaasadda jinsiga ee saxaafada Puntland iyagoona sidoo kale ugu qaban doona Bossaso iyo Galkacayo MAPtalks haweenka horumarka ka sameeyay ganacsiga iyo kuwa iskood u horumariyay xirfadooda.

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda PSU mudane Ahmed Shire Ahmed ayaa soo dhoweeyay kaalinta MAP ay ka qaadaneyso kor u qaadida wacyiga bulsho ee Puntland, waxana uu ku daray in jaamacadda iyo MAP ay wada wadaan dadaalo sare loogu qaadayo tayada warbaahinta iyo saxafiyiinta Puntland.

Wasiirka haweenka iyo horumarinta arrimaha qoyska Puntland Marwo Maryan Axmed Cali oo si rasmi ah u furtay kulanka ayaa amaantay doorka MAP ay ka ciyaareyso xoojinta kaalinta haweenka ee ka qaybgalka siyaasadda iyadoo warbaahinta la adeegsanayo, waxana ugu baaqday hablaha saxafiyiinta ah inay si dhow u la socdaan oo ka sameeyaan warbixino arrimaha haweenka.

Sidoo kale wasiiradu waxay xustay in PUNSAA, MAP iyo PDRC kala shaqeynayaan wasaaradda u diyaaragarowga doorashada 2019 iyo ka qaybgalka bulsho gaar ahaan haweenka iyo dhalinyaradda ee siyaasadda.

Intaas ka dib xoghayaha ururka MAP Marwo Nasro Cabdirisaaq Axmed ayaa mid mid ugu yeertay hawenka soo bandhigayay guulaha ay gaareen iyo caqabadaha ay la kulmeen.

Halkan ka daawo dhamaan khudbadihii laga jeediyay #MAPTalks Garowe

Marwada kowaad ee Puntland Dr. Hodan Siciid Ciise oo soo xirtay kulanka ayaa ku dheeraatay sharaxadaada guud ahaan caqabadaha haweenka ka qaybgalka siyaasadda ka haysta, waxana ay ugu baaqday haweenka iskaashi iyo midnimo.

Haweenka inay xooga saaraan waxbarashada iyo sameynta sanduuq u gaar ah haweenka oo laga helo dhaqaale ka caawiya ka qaybgalkooda siyaasadda waxay ka mid ahaayeen talo soojeedinadii ay ku soo gunaanaday hadalkeeda Dr. Hodan Siciid.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16

About the author

admin

Leave a Comment