Warka

#M4W18: Warbixinta MAP ee xuska maalinta haweenka aduunka

IMG_4760
Written by admin

Garowe, Puntland, March 10th, 2018: Ururka warbaahinta Puntland ee MAP ayaa magaalada Garowe xuska maalinta caalamiga ah ee haweenka dunida kaga qaybqaatay laba munaasabadood oo dhiirigelin iyo garab is-taag loogu sameenayay haweenka ka hawlgala warbaahinta.

Xarunta Target ayuu ururku ku qabtay 07, March 2018 kulan isugu yimaadeen, wasaaradda haweenka Puntland, wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, Bulshada rayidka ah, xafiiska difaacaha xuquuqul insaanka, ururka haweenka qaryaqaanada Puntland iyo u ololeyaasha xuquuqda haweenka.

Gudoomiyaha ururka warbaahinta Puntland ee MAP Mohamed Dahir Caynsane oo kulanka furay ayaa sheegay in ururku markasta u taaganyahay, kobcinta aqoonta, taageerida iyo horumarinta gabdhaha ku jira saxaafada Puntland

Caynsane waxa uu raacshay in MAP ku hawlantahay haatan dhismaha dallad ay ku mideysanyihiin gabdhaha saxaafada Puntland isagoona raacshay in dhowaan soo saari doonaan siyaasada jinsiga ee warbaahinta Puntland (Puntland Media Gender Policy).

Kulanka waxa lagu soo bandhigay Cilmi-baaris ay MAP 2017 ka sameeyay xaaladaha shaqo ee gabdhaha warbaahinta Puntland ka hawlgala, Daraasadan lasoo bandhigay oo ay ka qayb galeen 116 qof oo isugu jira rag iyo haween ayaa laga sameeyey 9 xarun warbaahineed oo la xushay kuna kala yaala Gobolada Bari, Nugaal iyo Mudug iyo  3da urur ee ay ku midaysanyihiin haweenka warbaahinta ee goboladaasi. Natiijooyinka kasoo baxay daraasadaasi waxay muujiyeen, in dhan walba gabdhaha warbaahintu ay ku hooseeyaan shaqada saxaafada iyo xagga tayadaba.

ka soo qaybgalayaasha ka dooday caqabadaha warbixinta lagu xusay, iyagoona talooyin soo jeedshay ku aadan horumarinta haweenka saxaafada ka shaqeeya iyo weliba sidii xuquuqdooda loo dhowri lahaa.

Wasiir ku xigeenka haweenka Puntland Faizo Ali Adan ayaa soo xirtay kulanka ayaa soo dhoweysay dadaalada ay MAP wado iyo daraasadda ay soo saartay, waxana ugu baaqday mulkiilayaasha warbaahinta Puntland inay xuquuq shaqo oo siman siiyaan gabdhaha ka hawlgala warbaahinta Puntland.

Ururka MAP munaasabada maalinka haweenka aduunka 08, March 2018 waxa uu uga qayb qaatay socod ku dhowaad 100 rag ahi ku mareen wadooyinka Garowe, iyagoo sitay boorar iyo hal ku dhegyo ay ku muujinayaan inay garab taaganyihiin haweenka.

Kooxda xiriirka baraha bulshada MAP iyo Free Press Unlimited ayaa dardargeliyay Dabar kulmiyaha socodka #M4W18 oo loo soo gaabshay (rag u taagan haweenka,). MAP waxay dhankeeda ka diyaarisay qoraalo Afka Somaali ah kana tarjumaya garab istaaga raga iyo taageerida haweenka ay u hayaan. Socodka oo ay samenayeen dhalinayaro iyo saxafiyiin ayaa ku soo dhamaaday xarunta jaamacadda PSU oo ay ka dhaceysay munaasabada xuska maalinta haweenka aduunka.

IMG_4652

IMG_47601241

About the author

admin

Leave a Comment