Warka

MAP oo shaaciyey Website cusub oo ururku yeeshay.

Media
Written by admin

Garowe, 19 September 2014. Ururka Saxafiyiinta Puntland ee Media Association of Puntland (MAP) waxaa uu maanta si rasmi ah u shaacinaya Mareegta (website)ka uu ururku leeyahay oo lagala socon karo wararka iyo dhaqdhaqaaqa ururka kaasi oo ah www.mediapuntland.org.

Website-kan ayaa noqon doona mid xambaarsan dhamaan Fekerada , Talooyinka , Su’aalaha , Waxqabadka iyo hiigsiga Ururka MAP oo isagu metela Saxafiyiinta Puntland. Hogaanka cusub ee loo doortay ururka (MAP) ayaa hirgelinta Website-kan ka shaqeeyey , waxaana uu ururku siweyn u muujiyey qiimaha ay leedahay in la hirgeliyo Mareeg (Website) gaar u ah MAP.

“Muhim weyn bay utahay ururka inuu leeyahay website u gaar ah oo lagala socdo dhaqdhaqaaqa ururka, waxqabadka iyo mar walba fekerka MAP ee khuseeya hadba waxii laga hadlayo ee laxiriira warbaahinta , sidaasi daraadeed waa talaabo muhim ah oo ururku uu horey u qaaday” Faaduma Maxamed Maxamuud , Xoghayaha Guud ee MAP.

Website-ka Lagala Soconayo MAP waa mid loo sameeyey qaab casri ah oo leh in dadka booqda ay dhexdiisa ku isticmaali karan aalladaha Bulshadu ku xiriirto sida Facebook/Twitter. Ururka MAP wuxuu sidoo kale isticmaali doonta Facebook/Twitter ugaar ah, waxaana ciwaanada lagala xiirirayo ururka ka muuqan doonaan Websiteka cusub.

Ururka (MAP) oo wakiil ka ah Weriyayaasha Puntland ayaa la’asaassay sanadkii 2008dii waxaana uu qabtay waxbadan tan iyo intuu jiray , 4tii bishii sideedaad ee sanadkan ayaa waxaa dhacday doorashadii labaad ee ururka taasi oo lagu doortay maamulka cusub ee hada shaqeynaya.

 

—–Dhamaad—–

 

About the author

admin

Leave a Comment