Warka

UNSOM iyo MAP oo wada jir u xusay maalinta nabada aduunka

IMG_0151
Written by admin

IMG_0151Garowe: 21 September 2014. Ururka Saxafiyiinta Puntland iyo Xafiiska Siyaasadda  Qaramada Midoobey ee Somaaliya UNSOM ayaa wada-jir ugu dabaaldagey Maalinta Nabada Aduunka ee 21 September 2014.

Munaasabada oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacdey Xarunta UNSOM ee caasimada Puntland, waxaa lagu muujiyey halkudhaga sanadka loo asteeyey in lagu maamuuso maalinka oo ahaa “ Maxaad u qaban kartaa nabada darteed” waxaa  xuskan lagu bilaabey socod lagu muujinayo muhiimada Nabadu u leedahey bulsho weynta Aduunka.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar oo ka qeyb galey munaasabadda ayaa sheegey in nabad la,aan ay ka dhigantey nolol la,aan waxaa ku baaqey in laga wadda shaqeeyo nabadda.

“Waa in aynu isku duubnaan si aynu u adkeyno nabadgalyada ka jirta Puntland”, ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenku. 

Omar Aboud, madaxa Siyaasadda Qaramadda Midoobey ee Soomaaliya xafiiska Garoowe waxa uu soo dhaweeyey inay kala shaqeeyaan ururka Saxafiyiinta Puntland (MAP) hirgalinta Munaasabadan wuxuuna sheegey in qaramada Midoobey ay dadaal ugu jiro in Nabad waarta ay ka hirgasho guud ahaan Puntland iyo Soomaaliyaba “UNSOM waxey u taagantey in Puntland ka taageerto sidii loo joogteyn lahaa deganaashaha k jira Puntland” sidaa waxaa yiri Omar Aboud.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland Faysal Khaliif Barre ayaa ku amaanney warbaahinta kahowl gasha Puntland in ay door muuqda ka ciyaaraan horumka nabada ee ka jira Puntland waxaa ku dhiirigaliyey saxafiyiinta in kordhiyaan dadaalkooda nabada

“Saxafiyiinta Puntland waxaa ku amaanayaa hawsha ay qabataan maanlin waliba waxaanan ugu baaqayaa in ay kordhiyaan dadaalkooda ku aadan dhiirigalinta waxyaabaha xoojinaya Nabadgalyada iyo hurumarka” Sidaa waxaa yiri Guddoomiyaha Saxafiyiinta Puntland.

Ugu danbeyntii xaflada ayaa kusoo dhamaatay jawan degen oo farxad iyo rayn rayn ku dheehan tahay.

 

About the author

admin

Leave a Comment