Warka

Doodda Murashaxiinta madaxtinimada Puntland oo baaqatay

DvzfXdMW0AAOVkQ
Written by admin

Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa toddobaadkii la soo dhaafay wadahadalo iyo kulamo la yeeshay murashaxiinta madaxtinimada Puntland si ay uga qayb qaataan dood dadweyne oo su’aalo lagu waydiinayo, MAP ayaa kaashaneysay daladda PUNSAA iyo Kaalo.

Ujeedka Doodda ayaa ahaa in dadweynaha Puntland ay fursad u helaan dhagaysiga murashaxiinta doonaya inay masiirkooda hogaamiyaan , waxana qorshuhu ahaa in murashaxiinta jawaabo laga raadiyo ku aadan siday u wajahayaan mawduucyada muhiimka ah ee dareenka dadwaynaha xambaarsan sida Dhaqaalaha, Nabadgelyada (La dagaalanka argagixisada iyo xuduudaha), Sareynta Sharciga, Madaxbanaanida Garsoorka iyo Xuquuqda Aadanaha (Haweenka Xuquuqda & Xoriyadda Saxaafadda) Siyaasadda (Federaalka iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa).

Siddeed (8) musharax oo u tartamaya kursiga madaxweynaha Puntland 2019 uuna ka mid yahay madaxweynaha talada haya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii hore aqbalay marti qaadka MAP, waxana ay ballanqaadeen ka qaybgalka dooda la qorsheeyey Janaayo 01, 2019 in lagu qabto Jaamacadda Puntland State University ( PSU).

Nasiib darro, Xiligii balanta Murashax Dr. Cali Ciise Cabdi keliya ayaa diyaar u ahaa ka qaybqaadashada doodda. halka Toddobada (7) murashax oo intooda badani ay saxiixeen xeerka doodda ama ballanqaaday ay joojiyeen ka qaybgalkooda sababo la xiriira cabsi dadwayne iyo qorshayaal aan cadayn iyagoo qaybtoodna shardi ka dhigay imaatinka murashax kale gaar ahaan madaxweyne Gaas oo ahaa murashaxii ugu horeeyay ee ka baxa doodda kadib 24 saacadood markii uu aqbalay in uu ka qaybqalayo, MAP waxa soo wacay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada oo u soo gudbiyay farriin ah inaysan xiligan muhiim u arag ka qaybgalka madaxweynaha ee doodda.

Guddomiyaha MAP Maxamed Daahir Caynsane ayaa yiri “Ka bixidda Ballan-qaadku waa aasaaska amaano-daradda, gaar ahaan marka murashax madaxweyne uu ku fashilmo in uu soo hor istaago dadweynaha oo ka jawaabo waydiimahooda, waxana ay shaki gelineysaa awoodda ay u leeyihiin qabashada xafiiska’’.

Inkastoo Puntland ay codeeyaan 66 xubnood oo lagu soo xulay hab beeleed hadana diidamada murashaxiinta ee doodda ayaa albaabka ka soo xireysa fursada keliya ee dadwaynuhu u heli lahaayeen inay imtixaamaan kartida murashaxiinta u tartameysa madaxweynaha Puntland 2019.

DvzfXdMW0AAOVkQDvzfYJFX0AAgkJK

About the author

admin

Leave a Comment