Warka

Garowe: Tababarka tebinta xuquuqul insaanka

IMG_8638
Written by admin

Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa soo gabogabeeyey tababarka tebinta Xuquuqda Aadanaha taas oo qayb ka ahayd mashruuca “Horumarinta Awooda habalaha Saxafiyiinta iyo kor u qaadida wacyi-gelinta tacadiyadda ka dhanka ah oo ay maalgalisay ForumSyd.

10-ka mida hablaha saxaafada gobolka Nugaal ee ka hawlgala warbaahinta kala duwan ayaa laba maalmood 19-20ki, Diseembar loogu qabtay hotel Same.

Gudoomiyaha MAP Maxamed Daahir Caynsane ayaa furitaankii ka sheegay in ujeedku yahay sare u qaadida awooda hablaha saxafiyiinta si ay u soo tebiyaan dhacdooyinka la xiriira xuquuqul insaanka iyadoona diirada la saarayo arrimaha haweenka.

Mawduucyada lagu qaatay waxaa ka mid ahaa hirgelinta Sharciyada Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha – 1948 Aqoonsiga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo sifooyinka, Doorka warbaahinta ee caddaaladda bulshada, fahamka dastuurka Puntland (qodobbada kor u qaada iyo ilaalinta aasaasiga ah ee xuquuqda aadanaha – qodobada 23-40) iyo Xeerka kufsiga Puntland iyo u doodista warbaahinta.

Dhamaadkii tababarka, ka qeybgalayaashu waxay MAP uga mahadceliyeen fursadan waxayna hoosta ka xariiqeen sida aqoontooda cusubi kor u qaadeyso tayadooda iyo wax ka ogaanshaha xadgudubka xuquuqda aadanaha iyagoo adeegsanaya xirfadooda.

Du8kh_BXQAI2ZrD IMG_8643 IMG_8638 Du8kPU9X0AA-uHv

About the author

admin

Leave a Comment