Warka

MAP oo tabbabar u qabatay kormeerayasha warbaahinta Puntland

1111
Written by admin

Ururka warbaahinta Puntland ee MAP ayaa magaalada Garowe ugu qabtay tabbabarkii ugu horeeyay 16 kormeere oo ka hawlgeli doona Puntland barnaamijka kormeerka warbaahinta Somalia (Somali Media Monitoring Program) oo MAP ay fulineyso  iyadoo gacan ka heleysa Free Press Unlimited iyo Midowga Yurub. waxana la fududeynaya ururada NUSOJ iyo SOLJA.

Mashruucan oo guud ahaan dalka MAP ka fulinyso ayaa lagu kormeeri doonaa 40 xarumo warbaahineed, iyadoo laga eegi doono dhinacyada Tayada, Anshaxa iyo Jinsiga (Quality, Ethics and Gender).

Guddoomiyaha ururka MAP Mohamed Dahir Caynsane oo furay tababarkan ayaa ka hadlay ujeedka mashruca SMMP oo uu ku tilmaamay in looga danleeyahay sarre u qaadida wax soo saarka warbaahinta Somalia.

“Waxaan aaminsanahay in mashruucani uu door muhiim ah ka qaadan doono wax soo saarka guud ee xarumaha warbaahinta, ujeedada ugu waynina waa in la yareeyo taya xumada ka jirta xarumaheena warbaahinta, iyo dhinaycada Anshaxa iyo Jinsiga”.

Tababarka oo ay bixinayeen xiriiriyaha guud ee barnaamijka dabagalka warbaahinta Soomaaliya Ibrahim Abdirahman iyo xiriiriyaha barnaamijka ee Puntland Naciimo Muuse Dellaf, waxaa lagu bartay sida barnaamijkani u shaqaynayo, habka loo samaynayo kormeerka iyo qaababka la adeegsanayo.

Tabbabarkan mid la mida ayaa lagu qaban doonaa Somaliland iyo koonfurta Somalia ka hor inta aan barnaamijkan guud ahaan laga bilaabin dalka. unnamed (1) unnamed (2) unnamed

About the author

admin

Leave a Comment