Warka

MAP oo Somaliland ugu baaqday dhowrista madax-banaanida saxaafada

Garowe: Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP waxa uu cambaaraynayaa xarigga maamulka Somaliland magaalada Laas-caanood ugu gaystay Maxamed Axmed Jaamac (Bidhaanshe) oo ka hawl gala telefishinka SBS iyo Cabdi Kayse Maxamed (Tungub) oo ka tirsan Telefishinka Bulsho.

Cabdi Kayse Tungub ayaa xafiiskiisa Laas-caanood ciidamo ka kaxaysteen 27kii May 2018, halka Maxamed Axmed Bidhaanshe la xiray 28kii May 2018, xiligaasi oo uu duubayay dibadbax ka dhacayay magaalada.

Sida ay MAP u sheegen suxufiyiin ka hawlgala Laas-caanood labada saxafi oo ku xirnaa saldhiga booliska ayaa 29kii May, 2018 waxa loo wareejiyay xabsiga dhexe ee magaalada iyadoo midkoodna loo soo gudbin eed ama la hor keenin maxkamad.

Gudoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir kama uusan jawaabin wicitaanka MAP iyo fariimo qoraal ah oo loo diray 30 May, 2018.

Ururka Warbaahinta Puntland waxaa uu u arkaa xarigga, caga-juglaynta iyo handadaadda loo gaysanayo saxafiyiinta fal gurracan oo looga soo horjeedo xorriyadda hadalka laguna aamusinayo dareenka iyo aragtida shacabka oo ay warbaahinyu indho u tahay.

MAP waxay ka xuntahay xariga loo gaystay wariyaasha, waxana ay ugu baaqaysaa Maamulka Somaliland in ay xorriyadooda dib ugu soo celiyaan wariyaasha.

Abdi Kayse Tungub, Photo|Facebook

Abdi Kayse Tungub, Photo|Facebook

Mohamed Ahmed Bidhanshe Photo| Facebook

Mohamed Ahmed Bidhanshe Photo| Facebook

 

About the author

admin

Leave a Comment