Press Release Warka

Warbixin & Sawirro: Furitaanka Shirka Guddiga sare ee Warbaahinta Puntland

IMG_5979
Written by admin

Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa maanta 26 March, 2018 magaalada Garowe ku qabtay shirka furitaanka Guddiga sare ee Warbaahinta Puntland oo dhismihisiisa la soo dhamaystiray.

Masuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta Puntland, Dallada PUNSAA, Ururka Qareenada Puntland, Xafiiska Difaacaha Xuquuqul-Insaanka Puntland, Xafiiska Xuquuqul Insaanka UNSOM iyo Saxafiyiin ayaa ka soo qaybgalay furitaanka.

Guddiga sare ee Warbaahinta Puntland ayaa ka kooban 7 xubnood oo ay soo kala magaacabayeen wasaaradda Warfaafinta, Ururka MAP, Dallada PUNSAA, Ururka Qareenadda iyo Tacliinta sare ee Puntland.

Gudoomiyaha Ururka MAP Maxamed Daahir Caynsane ayaa ugu horeyn ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa ay soo martay hawsha dhismaha guddiga, isagoona mahad gaar u soo jeedshay wasiirka warfaafinta oo gacan wayn ka gaystay dhamaystirka dhismaha guddiga.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in guddigu noqon doono mid u dhaxeeya warbaahinta iyo dowladda sida ku cad xeerka warbaahinta Puntland ee wax ka badalkiisa la meermariyay December 2016 Qodobadiisa 18-24aad.

Caynsane ayaa shahaado sharaf uu ku mutaystay shaqadii ay horey MAP uga soo qabteen hogaankii ka horeeyay gudoonsiiyay Gudoomiyihii hore ee MAP Mudane Faisal Khalif Barre.

Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiinta hiddaha iyo dhaqanka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa si rasmi ah u furay shirka guddiga sare ee warbaahinta Puntland, waxana uu ku adkeeyay inay dabaqaan xeerka warbaahinta iyo shuruucda kale ee dalka u yaal.

Dhismaha guddiga sare ayuu wasiirku rajo wanaagsan ka muujiyay, isagoona kula dardaarmay xubnaha guddiga inay ku shaqeeyaan hufnaan, daacadnimo iyo dhexdhexaad.

Maalinta beri ah ayaa la filayaa inay ansixiyaan guddigu xeer-hosaadka ay ku shaqeyn doonaan kadibna ay iska dhex doortaan Gudoomiye, ku xigeen, xoghayn iyo khasnaji.

IMG_5964 IMG_5973 IMG_5979 IMG_5985 IMG_5987IMG_5990 IMG_6002 IMG_6006 IMG_6015 IMG_6024 IMG_6033 IMG_6040 IMG_6059 IMG_6072

About the author

admin

Leave a Comment